Jubbaland oo sheegtay inay weerartay diyaarad kusii jeeday Raaskambooni

0
148

Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in weerar ay culus ku qaaday diyaarad ka baxday Muqdisho oo kusii jeeday dhinaca deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay u adeegsatay lidka diyaaradaha. Isla markaana ay carartay diyaaradda, sida ay hadalka u dhigtay.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;-

Ciidamada Jubbaland ayaa galabta 5:20pm qoryaha lidka diyaaradaha ku garaacay diyaarad shixnad u sidey maleesshiyaadka lagu daabuley Raaskaambooni.

Diyaarada ayaa jihadii ay ka degi jirtey ka carartey kana soo degtey dhanka xuduuda Kenya ayadoo markii ay ka duulaysay garoonka Diyaaradaha Raaskambooni faro caaradood kaga fakatey rasaasta ciidamada Jubbaland ku ridayeen.

Ciidamada Jubaland ayaa fariisin ka samaystay goob aan ka fogayn garoonka diyaaradaha Raaskambooni waxaana ka go’an sidii looso afjari lahaa maleeshiyada Xamar diyaaradaha lagaga soo daabulay si ay u khalkhal galiyaan amniga deegaanada Jubaland.