Al-Cadaala “Juxa labo taariikhood buu leeyahay, mid anshax xumo uu sameeyay”

0
19

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafita Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yusuuf Al-Cadaala ayaa u jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo maalmahaan jeedinayayo hadallo ka dhan dowladda dhexe.

Wasiir Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in Juxa uu yahay odeyn wayn oo haddana u dhaq-maya si anshax darro ah, isaga oo aad u dhaliilay hadalladiidsa.

“Juxa labo taariikhood buu leeyahay, mid anshax xumo uu sameeyay ah buuggiisa ayuu ku qoray, isagoo madaxu cadaaday in uu meel lasoo fariisto doorkii uu ku lahaa burburkii dalka waa nasiibdaro” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan Juxa uu weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo u adeegsaday eryado ay dad badan dhibsadeen.