Xiisad ayaa ka taagan Degmada Badhaadhe ee Gobolka J/Hoose, gaar ahaan magaalada Raaskaambooni oo ay dhowaan la wareegeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka laga helayo degaanka Kudhaa oo 78 KM u jirta ayaa sheegaya inay halkaasi gaareen Wasiiro, saraakiil iyo ciidamo uu hoggaaminayo Taliyaha Daraawiishta Jubbaland Jeneraal Ismaaciil Saxardiid.
Ciidamada Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay isu diyaarinayaan weerar ay ku qaadaan ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Raaskaambooni.
Raaskaambooni waa magaalo xeebeed istiraatiiji ah oo ay adag tahay weerar toos ah oo lagu galo, taasoo caqabad ku ah ciidamada Jubbaland.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamadii Kenya ee ku sugnaa dhinaca xuduudka Soomaaliya ay dib u gurteen, kuna laabteen degaanka Kiyuunga (Kiunga).
Weerar ay ciidamada Axmed Madoobe ku qaadaan Raaskaambooni wuxuu khilaafkii dowladda Federaalka iyo Jubbaland u bedelayaa dagaal toos ah oo dhiig ku daato.