QM oo warbixin kasoo saartay tirada dadka ku dhintay colaadaha dalka Soomaaliya

0
48

NAIROBI – Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, OCHA, ayaa shaaca ka qaaday in 39 qof lagu dilay dagaal beeleedyadii u dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya labadii bilood ee la soo dhaafay.

Hay’adda OCHA ayaa sheegtay in colaadahaasi ay sabab u tahay isqabqabsi dhul, kuwaasoo ay ku dhinteen 35 qof oo ka dhacay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, iyadoo afar kalena lagu dilay degmada Luuq ee Koonfurta Soomaaliya.

Waxay kaloo sheegtay in in ka badan 42,000 oo qof oo u badan haween, carruur iyo dad waayeel ah ay ku barokaceen rabshadihii ka dhacay Luuq horraantii bishii July, oo ay ku jireen 12,000 oo u qaxay meelo adag oo magaalada ka baxsan.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in dadka cusub ee la barakiciyay ay ku jiraan bulshooyin ay horay ugu barakaceen fatahaadaha oo hadda la kulmay barakac labaad.

OCHA ayaa sheegtay in dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug intii u dhaxaysay 26-kii June ilaa 2-dii July ay ku khasbeen in ka badan 26,000 oo qof in ay guryahooda ka cararaan, kuwaas oo 30% ka mid ah ay ahaayeen xoolo-dhaqato ay ku guuleysteen in ay la cararaan xoolahooda.

Waxay intaas ku dartay in aan ka yarayn 96,000 oo qoys ay saameeyeen iskahorimaadyada hubaysan iyo isbedelka cimilada ee dhawaan ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug.