XFS oo sharci darro ku tilmaamay dib u doorashada Axmed Madoobe

0
37

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamtay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee  lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaasoo shalay markii saddexaad loo doortay madaxweynaha Jubbaland.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi oo Gudoominayay  kulanka  ayaa laga soo saaray go’aanno deg deg ah ee quseeya doorashada Jubland.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ee XFS waxay go’aamiyeen in xubnaha xulan ee golaha wakiilada Jubbaland iyo is-doorashada hogaamiyihii hore ee Jubbaland ay labadaba yihiin kuwa sharci darro ah.

Golaha Wasiirada waxay go’aamiyeen in dhammaan tallaabooyinka hoos ku xusan oo loo maray doorashada sharci darrada ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland aysan waafaqsaneyn sharciga 24 ee soo baxay 31 Maarso 2024:

Magacaabista guddiga sharci darrada ah ee doorashooyinka ee uu soo xushay hogaamiyihii hore ee Jubbaland.

Is-doorashada guddoon baalmarsan sharciga oo uu soo xushay hogaamiyihii hore ee Jubbaland.. Is-doorashada hogaamiyihii hore ee Jubbaland ayaa lagu yiri goaanka ka soo jaaxat shirja Golaha Wasiirada XFS .

Golaha Wasiirada wuxuu farayaa Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in si degdeg ah uga howlgalo horgeynta Maxkamadda Sare ee Dalka dacwad lid ku ah dhammaan tallaabooyinka aan waafaqsanayn xeerarka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, xeerka Ururada iyo Xisbiyada siyaasadda ee uu ku kacay hogaamiyihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sodoo kale lagu yiri’ go’aanka ka soo baxay Golaha wasiirada .