Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.
“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub laga rajaynayo inuu dardargeliyo himillada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.