Gargaar loo waday Falastiiniyiinta Qasa oo la bililiqaystay

0
39

kolonyo ay la socdeen 109 baabuur oo gargaar cunno ah ayaa la dhacay Sabtidii la soo dhaafay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee Unrwa.

Sagaashan iyo toddobo ka mid ah baabuurta xamuulka ahaa ayaa la waayay, darawaladoodiina waxaa lagu qasbay in ay dejiyaan gargaarkii ay wadeen, kaddib markii ay adeegsadeen marinka Kerem Shalom ee ay Israa’iil maamusho oo ku taayya koonfurta Qasa, taasoo la rumeysan yahay inay ay ka dhacaan shilalka ugu xu nee la xiriira dhac iyo is hortaagga lagu sameeyo gargaarka

Goob joogayaal ayaa sheegay in kolonyada ay weerar ku soo qaadeen rag wajiyada soo duubtay oo tuurayay bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Guddoomiyaha guud ee hay’adda Unrwa Philippe Lazzarini ma uusan carabaabin dambiilayaasha falkaan gaystay, laakiin wuxuu sheegay in ” si guud burburka nidaamka guud ee Qasa ay la macno tahay “Jawi aan degganeyn oo aysan macquul aheyn in lagu shaqeeyo”.

Haddii aan dhibaatooyinka caqabadaha ku ah gargaarka aan wax laga qaban waxaa welwel laga muujinayaa in malaayiinta qof ee halkaa ku dhibaataysan ay xaaladoodu ka sii dari karto.