Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo shir uga qayb galaya Magaalada Nairobi

0
37

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Magaalada Nairobi uga qeybgalaya shirka 18-aad ee guddoomiyeyaasha baarlamaanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika () oo 13ka bishan furmaya.

Kulanka oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa guddoominaysa Marwa Dr. Tulia Ackson oo ah Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Tanzania.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha muhiimka ah ee isu soo dhawaynaya waddamadeena ku dhaqan Bariga Afrika.

Madasha Af-hayeennada EAC waxaa uu u taagan yahay sidii loo mideyn lahaa codka shacabka ku dhaqan gayigan iyada oo loo marayo qaabka sharci dajinta, kormeer iyo matalaad shacabka.

Madashaan ayaa sidoo kale talo bixin siinaysa shir madaxeedka madaxda Bariga Afrika, kuwaas oo lagu horumarinayo arrimaha ugu muhiimsan ee ka taagan gobolka Bariga Afrika.

Kulankan oo dhacaya waqtigii ku haboonaa waxaa la filayaa inuu mideeyo aragtida iyo codka wadamada ku xeendaaban Bariga Afrika, isaga oo gobolkeenu ku jihayn doona waddadii is dhex galka iyo kobaca ee dadka ku dhaqan Bariga Afrika.