Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa abaabulay kulan la isugu keenay dhalinyarada ku nool magaalada Kismaayo, waxaana laga soo saaray go’aano lagu taageerayo qorshaha Jubbaland ay ku geleyso doorasho aysan raali ka aheyn dowladda federaalka.
Qeybaha kala duwan ee Dhalinyarada degmada Kismaayo ayaa shalay galab magaalada ku qabtay kulan balaaran, waxayna si cad u taageereen mowqifka madaxweynaha Jubbaland ee arimaha doorashooyinka.
“Haldoorka Dhalinyarada oo inta badan kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in aysan gorgortan ka galaynin, taageerada iyo garab istaagga dowladda ee arimaha doorashooyinka iyo xoojinta amniga deegaanada Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraal iyo sawirro uu baahiyey TV-ga Jubbaland.