Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah mid kamid ah kulamadooda waxaa ay ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa Magaalada Muqdisho.
Guddoonka Golaha ayaa xalay xildhibaannada ku wargeliyay in uu Kulanka Maanta jiro, isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan, iyada oo Ajandaha uu yahay.
- Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhi-beereedka
- Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed
Qeybin Akhrinta 1aad
- A) Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed ( SARIS)
- B) Hindise-Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka
- C) Hindise Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.