Dagaalka Qasa oo bilowday toddobadii bishii Oktoobar ee sanadkii tagay ayaa hadda socda boqol maalmood, iyadoo ay guuladaratsteen dhamaan dadaalladii lagu doonayay in xabad joojin rasmi ah looga hirgaliyo Qasa.
Kumanaan qof ayaa dhintay dhaawacna warkiiba ha sheegin oo isbitaalladii lagu daweynayay ayaa xitaa loo gaystay burbur baahsan iyo mararka qaar weerarro xaaladda sii cakiray.Inkastoo xaalad adag ay hadda ka jirto Qasa, haddana ilaa iyo iminka ma muuqdaan tillaabooyin socda oo xal looga gaarayo colaadda iyo dhibaatada maalinba maalinta ka dambeysa ka sii daraysa oo dadka ku waxyeelloobayana ay ugu badan yihiin dadka rayidka ah ee ree Falastiin.