Dad lagu dilay Maraykanka & Dableygii oo la qabtay

0
230

Toogasho ka dhacday Gobalka Mississippi ee Koonfurta dalka Mareykanka yaa waxaa lagu dilay 6 qof, xilli Madaxweyne Joe Biden mar kale ku baaqay in la adkeeyo Sharciyadda Xayiraada Qoryaha, kadib, Toogashadii Toddobaadkii hore ka dhacday Jaamacadda the Michigan State University.

Booliska Gobalka Mississippi waxay sheegeen inuu Nin hubeysan toogasho ku dilay qof ku sugnaa Bakhaar ku yaalla Degmadda yar ee Arkabutla, kadibna dableyda uu galay guri u dhow Bakhaarka, isagoo dilay Haweeney, sida laga soo xigtay Warbaahinta Maxaliga.

Wax yar kadib, Telefishinka CNN ayaa ka soo xigtay Shariifka Gobalka, Brad Lance in Haweeneyda la dilay ahayd xaaskii hore ee Ninka dilka geystay.

Booliska waxay raadraac kadib heleen maydka labo Nin oo kale, halka maydadka qofkii 5aad iyo 6aad oo kala ahaa Nin iyo Haweeney laga helay guri kale oo u dhow Halkii ay toogashada ka dhacday.

Dableygii dilka geystay ayey Boliska qabteen, xilli uu baxsan lahaa.

Qoraal la soo dhigay Barta Facebook ee Xafiiska Shariifka Gobalka Tate ayaa lagu sheegay in Ninka Toogashadaasi geystay lagu magacaabo Richard Dale Crum oo 52 jir, kaasi oo ka soo jeeda Gobalka Tate County oo dhanka W/Galbeed kaga toosan Gobalka Mississippi.

Eedeysanaha waxa uu haatan ku jiraa gacanta Booliska, isagoo lagu soo oogi doono Dilka Heerka Koowaad (first-degree murder).

Guddoomiyaha Gobalka Mississippi, Tate Reeves waxa uu Qoraal Twitter ah ku sheegay in lagu soo wargeliyey Warbixinta dhacdadaasi.

Toogashada shalay oo Jimco ahayd dhacday, waxay ku soo beegantay maalmo kadib, markii uu Nin hubeysan uu weerar ka geystay Kambaska Jaamacad ku taalla Gobalka Michigan ee Waqooyiga Maraykanka, halkaasi oo uu dableyga ku dilay Michigan qof, dhowr kalena ku dhaawacay.

Dhanka kale, Madaxweyne Biden oo xalay Qoraal ka soo saaray Toogashadaasi waxa uu ugu baaqayAqalka Congress-ka inay haatan Tallaabo ka qaadan Colaadaha hubeysan.

Waxa uu tilmaamay in 48 maalmood ee la soo dhaafay ee sanadkan inuu Qaranka Maraykanka horey ula daala-dhacayo dhibaatada ugu yaraan 73 Toogasho Wadareed.

Si kastaba, Tan iyo sanadkii hore, 44,000 oo dhimasho lala xiriirinayo toogasho ayaa waxay ka dhaceen dalkaasi.