Duqayn lagu dilay Xubno ka Tirsan Alshabaab

0
184

Taliska Ciidamada Mareykanka Africa ayaa shaaciyay in ay dileen  12 Xubnood  ka tirsan Al-shabaab weerar dhinaca cirka ay oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug , sida lagu sheegay warsaxaafdeed kasoo baxay Taliska AFRICOM

Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay inaysan jirin dad shacab ah ah oo ku dhintay kuna dhaawacmay duqeynta oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Hobyo.

Hawgalka AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dambeeyay codsi uga yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid ‘is-difaac ah; oo ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga oo taageeraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wada howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Taliska Hawgalka AFRICOM wuxuu taageero siiya dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato khataraha argagixisada, waxaan kaliya qeyb ka nahay dadaalka Mareykanka,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley.