Xubno katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda

0
291

Labo Xubnood oo sare sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu kala magacaabo Cabduqaadir Yuusuf Aadan (Sahal) iyo Salaad Maxamed Ganees( Xamza ) ayaa isku soodhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan  Qeybta 60aad.

labadan xubnood waxaa ay mudo 6-sano ay ka tirsanaayeen Al-Shabab iyagoo ka qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Gobollada Dalka Soomaaliya.

Labada Xubnood oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka codsanayaan inay cafiyaan Shacabkii ay dhibaateeyeen intii ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.