Halka tab ee Al-Shabaab ay ku laynayso ciidamada DF

0
119

Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar gaadmo ah oo lagu bilaabay ugu yaraan laba qarax oo ismiidaamin ah waxay ku qaaday xeryihii ciidanka xoogga dalka ee magaalada Galcad, weerarkaan ayaa sii xoojiyey hadal-heynta sababta mar kasta weerar loogu laayo ciidanka.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa Al-Shabaab laga xoreeyey magaalada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud, maalin kadibna waxaa la xoreeyey degmada ay hoos tagto ee Ceeldheer.

Dowladda Soomaaliya waxay shaacisay in weerarka looga dilay 7-askari oo taliye ku xigeenkii ciidanka Danab – Xasan Tuure uu ku jiro, halka Al-Shabaab laga dilay ugu yaraan 100 dagaalame.

Hadal-heyn badan ayey waayahaan abuurtay sababta ciidanka dowladda loogu laayo weerar gaadmo ah, waliba xiliyo isku mid ah, sida aroorta hore, si gaar ah subax kasta oo Jimco ah, Al-Shabaab waxay fuliyaan weerar cag marin ah, iyagoo hadba xero ku habsada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ka tacsiyeysay ciidankii maanta lagu dilay dagaalka ayaa yiri, “Cadawgu tab isku mid ah ayuu ciidankii ku laynayaa.”

Afhayeenka wasaaradda difaaca Soomaaliya Jeneraal Caanood ayaa horay u sheegay in ciidanka oo ‘qayila’ intooda badan ay sabab u tahay in lagu laayo weerarrada Al-Shabaab ee cag-marinta ah.