Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Qurbo-Joogta ee dalka Yemen, Dr. Axned Cawad Bin Mubarak oo maalmahan booqasho ku joogay Muqdisho waxa ay isaga iyo dhigiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac si wadajir ah u dhagax-dhigeen Asaaska Dhismaha cusub ee Safaarada Yemen ee magaalladda Muqdisho.
Dhagax-dhiga waxaa kaloo goobjoog ka ahaa Danjiraha Yemen u jooga Somalia, Ambassador Fadal Al-Xanaq iyo qaar ka tirsan Ergada Dibloomaasiyiinta Yemen ee joogta Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Qurbo-Joogta ee dalka Yemen oo ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay Dhismaha Wejiga Koowaad ee Safaaradda Cusub ee Yemen, isla markaana ay ka dhigan tahay Astaan muhiim oo Cusub oo ku wajahan Hiigsiga Iskaashiga iyo Isdhexgalka Labada dal ee Walaalaha ah ee Somalia iyo Yemen
Wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay furitaanka shaqada ee wajigii koowaad ee dhismaha cusub ee Safaaradda iyadoo tani ay ka dhigan tahay astaan muhiim ah iyo bar cusub oo ku wajahan Kordhinta Iskaashiga iyo isdhexgalka labada dal ee Walaalaha ah.
Kulan ay dhawaan Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Qurba-joogta eYemen Dr. Axmed Cawad ayay uga wada hadleen qadiyadaha labada dal wadaagaan sida Muwaadiniinta labada dhinac ku kala nool, ammaanka Badda Cas iyo inaan iskaashi ka yeelano fagaarayaasha caalamiga ah.