Galmudug oo walaac ka muujiyay xaaladda Bani’aadannimo degaannadii laga saaray Al-Shabaab

0
127

Masuuliyiinta Galmudug ayaa walaac xooggan ka muujinaya xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira deegaannadii dhowaan la xoreeyey iyo weliba dadkii ka barakacay deegaanadaas, sida Xarardheere, Galcad iyo Ceeldheer.

Agaasimaha Gar-gaarka Iyo Musiibooyinka ee Wasaaradda Gar-gaarka Galmudug Maxamed Cabdulaahi Cali Wardheere ayaa sheegay in waxyaabaha ugu daran ee heysta ay kamid yihiin Biyo la’aan kadib markii Al-Shabaab ay Ceelashii ka gubeen.