Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaa billaabanaya wajiga labaad ee la dagaalanka Al-Shabaab”

0
131

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar ina ku jiheynaya horumarka iyo nabadda, maanta halka cadoow ee aynu leenahay uu yahay Al-Shabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan.

“Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Shabaab.

“Hal cadow ayaan leenahay waana  Alshabaab. Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira fikirka Al-Shabaab in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen.