Askar Raashiyaan ku geeriyootay Qarax

0
107

3 Askari ayaa geeriyootay, 13 kalena wey ku dhaawacmeen Qarax xalay ka dhacay magaalladda Belgorod ee dalkaasi, una dhow xuduudka dalka Ukraine.

Wakaallada Wararka Dowladda Raashiya ee Ria Novosti News Agency waxay sheegtay inay Askartaasi waxyeello ka soo gaartay Bam

nooca Gacanta laga tuuro oo si kedis ah uga fakatay mid ka mid ah Askartaasi.

Mar sii horeysay, Saraakiisha dalkaasi waxay sheegeen in 10 la mid ah Askartooda ku dhaawacmeen Qarax la dhacay Xarun Dhaqan oo ku taalla Belgorod.

Dhowr Baraha Bulshada ee Telegram ee la shaqeeya Hay’adaha Xoojinta Sharciga ee dalkaasi ayaa tilmaamay in Askarta geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay qeyb ka ahaayeen Askarta loo tababarayo inay ka qeyb galaan Duullaanka Raashiya ka wadaan gudaha dalka Ukraine.