Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo qarax oo xoggan laga maqlay degmada Jalalaqsi waxana la soo sheegayaa in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu soo gaaray dadka rayidka ah iyo ciidamada dawladda.
Dad goobjogayaal ah oo u warramay warbaahinta Risaala ayaa sheegay labada qarax oo ahaa kuwa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay isalamarkaana uu ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawaca waxaana la xaqiijiyay in 8 ruux ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmen.
Wararka ayaa intaas ku daraya In qaraxa koowaad uu ka dhacay Agagaarka Buundada degmada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeyb ka ah howlgalka ATMIS.
Qaraxa labaad ayaa la tilmaamay in uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah waxaana ka soo gaaray khasaare kala duwan goob joogaayaaa ayaa xaqiijiiyay in askar wadada mareysay ay rasaaseeyeen gaariga qaraxa ku rarnaa sidaasna uu ku qarxay .
Sidoo kale degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa iyana qarax uu ka dhacay lamana oga khasaarahaa ka dhashay.