Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta soo qabtay koox hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen burcad dadka ku dhaceysay xaafado katirsan degmadaas kadib cabasho uga timid Shacabka.
Kooxda oo ka kooban Afar Rag ah ayaa watay qoryo AK 47 ah, waxaana War kasoo baxay booliska Magacyada raggaas lagu kala sheegay
1-Maxamed Cabdi Axmed.
2-Maxamed Xasan Cumar.
3-Axmed Maxamed Maxamuud.
4- Cilmi Xaaji Hilowle.
Shacabka degmadaas ayaa ciidanka ku gacan siiyey in lasoo qabto raggaan dhaca geysanayey, Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in kooxdaan la hor geyn doono cadaaladda.