Qaraxyo xoogan oo si weyn looga maqlay gees ka gees Magaalada Beledweyne ayaa maanta lagu weeraray Xerada Lama Galaay ee magaaladaasi.
Laba gaari oo kuwa xamuulka lagu sheegay, lagana soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray Xerada Lama Galaay, oo ah halka ugu badan ee ay degan yihiin masuuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Xeradan ayaa waxaa ku dhex taala Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle, waana saldhigga ugu weyn ee ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin magaalada.
Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana soo baxaya warar sheegaya in masuuliyiin ku dhinteen qaraxyadaasi.
Isgaarsiinta magaalada oo mid ciriiri ah awgeed ayaa waxaa adag in macuumaad sax ah laga helo, inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.
Ma jirto cid weli sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, waxaase si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab