Wasiirka wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa sheegay inuu geeriyooday dhaktar u dhashay dalka Tanzania oo wax ka baranayay dalkaasi, kaddib markii uu haleelay xannuunka Ebola
Dhaqtarkaas ayaa noqonaya shaqaalaha labaad ee caafimaad ee u dhinta cudurkaas oo dhawaan ka dilaacay Uganda
Maalintii jimcada aheyd, Wsaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in cudurka Ebola uu ku fiday gobolkii afaraad
Tirada rasmiga ayaa muujineysa in kiisaska la xaqiijiyay ay yihiin 35 qof, halka 8 qofna ay dhinteen
Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaanan lahayn talaal.