Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan

0
195
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya l Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada New York, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan
Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Suudaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo Al-shabaab
Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo
Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Suudaan in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.