Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Diiday Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey

0
178

Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga Degmada Afgooye Ibraahim Xuseen Saalax Ayaa Ka Hadlay Warqad Shalay ka soo Baxday Wasaarada Arimaha Gudaha KGS .

Warqaadaas Oo Aheyd Mid Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga Degmada Afooye Xilka Looga Qaadey Gudoomiye Ku Xigeenka Ayaa Sheegay In Aan lagala Tashan Odayaashi Lahaa Matalaada iyo Ugaaska Beeshiisa Isagoona Sheegay Inuusan Wareejin doonin Xilka Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Afgooye Ayaa Sidoo kale Laamaha Amniga Degmada Afgooye Ugu baaqey inay ka Madax banaanadaan Siyaasada Maamulka Degmada.
Gudoomiye Ku xigeenka Amniga Degmada Afgooye Oo HadalKiisa Sii Wata Oo Sheegay Dhamaan Canshuurihii Degmada Afgooye La Joojyey Laga Bilaabo maanta Ay taariikhdu Tahay ( 21 sep 2022 )

Ugu Dambeyn waxa uu Eedeyn Culus u Jeediyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh.hoose Shalay Ayey Aheyd Markii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed oo xil ka qaadis iyo Magacaabis ku sameysay ku xigeenadda Degmada Afgooye.
Wasiiraka Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Abdullahi Haaji Hassan ayaa Shalay Guddoomiye kuxigeenka Amniga Degmada Afgooye u magacaabey Mahdi Ahmed Hassan halka Mudane Mohamed Nuur Gaabow Ali oo magacaabey guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Afgooye.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xilka ka qaadey Guddoomiye ku xigeenka Amniga Degmada Afgooye Mudane Ibraahim Hussein Saalax iyo guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Degmada Afgooye Mudane Cumar Maxamed Cusmaan (Macalow)