Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan oo heshay is gaarsiin in ka badan 60-Cisho ka dib.

0
160

i

n ka badan 60-cisho ka dib waxaa dib loo howl geliyay isgaarsiintii horay loogaga jaray Degmada maxaas iyo deegaano badan oo hoos taga,

Dhamaan isgarsiinta ayaa ka maqneed Maxaas iyo Deegno hoostaga tan iyo bishii July ee sanadkaan oo ay Al-shabaab bur buriyeen.

in Adeeg isgaarsiineed la gaarsiiyo Degmada Maxaas ayaa fududaatay ka dib markii uu xoogeystay Howlgalka Ciidan ee ka socda Gobalka Hiiran Al-shabaabna laga saaray Deegaanada u dhow Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan oo teedaan ay ka mid tahay.

mudadaas ay isgaarsiinta ka maqneed Deegaanadaas ma jirin wax dhaq-dhaqaaq Ganacsi ah oo halkaas ka jiray, waxaana Albaabadda loo laabay dhamaan goobihii Ganacsiga madaama lacagta shilin soomaaliga gobalka Hiiraan aysan ka shaqeyn isgaarsiintiina la jaray.