Soomaali dil & dhaawac loogu geystay webi mara deegaanka Canfarta

0
282

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan toddoba qof oo Soomaali xoolo dhaqata ah lagu dilay deegaan lagu Magacaabo hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash ee mara deegaanka Canfarta halka dhawr kalena lagu dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka soo jeeda qowmiyadda Canfarta ay weerar ku qaadeen xoolo dhaqato Soomalai ah oo u arooray wabiga, halkaa oo sidoo kale la sheegay in  lagu qaaday xoolo gaaraya ilaa afar kun oo neef.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo xilli usbuucyadii la soo dhaafay ay socdeen dedaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labadani qowmiyadood ee dirirtoodu soo jiitameysa in muddo ah.