DEG DEG- Rooble oo loogu hanjabay Kursiga Fahad Yaasiin, Sarkaal Careysan oo laga cabsi qabo. Xogo soo baxay.

0
224

DEG DEG- Rooble oo loogu hanjabay Kursiga Fahad Yaasiin, Sarkaal Careysan oo laga cabsi qabo. Xogo soo baxay.

Muranka iyo dagaalka siyaasadeed ee dul taagan kursiga Baladweyne laga soo qaatay ee Hop 86 soona qaatay Fahad Yaasiin ayaa sii xoogeystay. Waxayna u muuqataa in marxaladihii ugu adkaa uu marayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa saakay warbaahinta u sheegay in xalay oo Isniin soo galeysay Ra’iisal wasaare Rooble loogu hanjabay kiiska kursiga Fahad, kadib dood adag oo dhex martay Rooble iyo Cabdullahi Dheere oo NISA ka ah madaxa Mukhaabaraadka iyo Taliyaha dabagalka.

Wararku waxay sheegayaan in Cabdullahi Daahir Cabdalla Cabdullahi Dheere uu isagoo wali maqan la soo xiriiray ra’iisal wasaare Rooble, kana wada hadleen xal u helidda kursiga Fahad balse ay sheekadu xumaatay markii Rooble qarsan waayay inaanu marna fasaxeynin.

Doodda xalay kadib waxaa xarunta NISA maanta ka taagan hadal heyn arinta ku aadan, waxaana uu Cabdullahi Dheere Rooble iyo Maxkamadda sare culeys ku saaray in saacadaha soo socda la fasaxo kursiga lagu dhagay ee Fahad Yaasiin.

Saraakiisha NISA qaarkood oo bixiyay xogo aad u xasaasi ah ayaa tilmaamay in Korneel Cabdullahi Daahir afar sano kamid ahaa Shabaab, waxaana ay ku dareen in uu ahaa sarkaalka kaliya ee loo diray xoodaansiga Shabaab ee sirdoonka Soomaaliya ka socday. Waana Dhiigya Cab qatay badan lagana cabso sidey ku sifeeyeen dadka fara ku tiriska ee yaqaana.

Waa Da’yar sida la ogaaday Sarkaalkan balse shantii sanee la soo dhaafay waa mid gil gilay madaxda dalka, kuna luglahaa dhacdooyin amni oo halis ah. Saaxiibada ugu dhaw Fahad iyo Farmaajo ayuu safka hore mar kaga jiray waxaase dhex taagan mad madow waayihii danbe.

Wada hadalka xalay ee Rooble iyo Cabdullahi Dheere iskuna qabteen ayaa ku soo aaday todobaadyo kadib markii ra’iisal wasaaruhu sheegay in isaga loo hanjabay sidaas oo kale NISA soo saareen digniin ku aadan in shirqool lagu dilayo madaxda uu socdo.

Dhanka kale mucaaradka ayaa dhankooda ku kala qeybsamay qadiyadda kursiga Fahad, mana jiro war ay isku raacsan yihiin oo ay ka soo saareen. Waxaana loo arkaa oo kaliya dagaal Rooble iyo Fahad ka dhaxeeya.

Rooble iyo saaxiibada la garabka ah dad ku dhaw waxaa laga soo wariyay in ay culeyska ugu weyn saarayaan sidii Fahad kursigiisa loo heyn lahaa ilaa laga dhameeyo doorashada gudoonka baarlamaanka, taasi oo ka dhigan in ay ka reebayaan in Fahad u tartamo gudoomiye ku xigeenka golaha shacabka.