Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wasiiro Cusub Magacaabay

0
267

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagareen ) ayaa magacaabay qaar ka mid ah xubno cusub ee Golaha Wasiiradda Maamulkaas.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa Wasiirka Dekadaha& Gaadiidka Koonfur Galbeed loogu Magacaabay Aweys Xuseen Macalin, waxaana xilkaan horay u haayay Xasan Xuseen Maxamed Eelaay oo dhawaan loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa waxaa loo Magacaabay Cabdullaahi Sheekh Daahir Muxudiin, halka Wasiirka Kalluumeysiga Koonfur Galbeed loo Magacaabay Cabdullaahi Cabdi Cumar.