Doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

0
271

Guddiga hirgelinta dorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay Magaalada Jowhar ku qabtaan doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa shalay Gelinkii dambe soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta ku tartamaya doorashada lixda Kursi, waxaana kuraasta Maanta doorashadooda ay dhaceyso ay kala yihiin.

1: HOP#005 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Cumar Ceeymooy oo ah Wasiirka Beeraha Maamulka Hir-Shabeelle, waxaana mu tartami doona Maxamed Cumar Ceeymoow iyo Maxamed Cumar Cali.

2: HOP#033 oo uu ku fadhiyo Yuusuf Ibraahim Afrax( Kabaale) ayaa waxaa ku tartamaya Maanta Maxamed Xuseen Sabriye iyo Yuusuf Ibraahim Afrax( Kabaale).

3:HOP#052 oo ay ku fadhiso Farxiyo Maxamuud Dhakane, balse waxaa ku tartami doona Faadumo Yuusuf Cumar iyo Farxiyo Maxamed Dhaqane.

4: HOP#088 oo ay ku fadhiso Dahabo Suusow Maxamuud, waxaana ku tartami doona Jamiilo Maslax Buloow & Dahabo Suusow Maxamuud.

5: HOP#097 oo ay ku fadhiso dhowrkii sano ee la soo dhaafay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana ku tartamaya Maanta Hodan Maxamuud Xersi iyo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha.

6:HOP#098 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Maxamed Jimcaale, kaas oo ay Maanta ku tartami doonaan Ubax Haashim Odawaa iyo Maxamuud Maxamed Jimcaale oo kursigaan horay ugu fadhiyay.

Waa kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad oo Maamulka Hir-Shabeelle uu qabto, waxaana sidoo kale la filayaa in Maalmaha soo socda degaannada kale ee dowlad Goboleedyada lagu qabto doorashada Golaha Shacabka.