7 Ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Mandheera

0
307

Inta la xaqiijiyay 8 Ruux oo Shacab ah ayaa ku dhimatay 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay inta dhexeysa deegaanka hoose Arabia iyo magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Qarax oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca gaadiidka dadweynaha ah ee loo yaqaano Matatu, kaas oo kusii jeeday magaaalada Mandera ee xarunta ismaamulkaasi.

Taliyaha booliska ee ismaamulka Mandera George Seda ayaa sheegay in aysan jirin cid loo qabtay falkan, balse goobta uu qaraxa ka dhacay ay gareen laamaha ammaanka islamarkaana haatan baaritaanno socdaan.

Waxaa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel 8 kiilo mitir u jirta magaalada Mandera, sidoo kalena kooxaha gurmadka ay daad gureeyeen dadkii dhaawacyadu soo gaareen, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Mandheera.

Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Mandheera oo la geeyay dhaawacyada qaraxa ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaaeacmay qaraxa.

laamaha Amniga Kenya weli ma shaacin cidda ka dambeeysa qaraxaas, wuxuuna kusoo beegmay xilli digniin dhawaan ay soo saareen dowladaha reer galbeedka sida Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaas oo muwaadiniintooda ku nool Kenya uga digay weerarro argagaxiso oo ka dhaca Nairobi, islamarkaana lala beegsado goobaha ay ku badan yihiin ajaanibta.