Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Kusii Jeeda Imaaraadka Carabta Iyo Ujeedka Safarkiisa

0
278

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku wajahan yihiin dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, sida aan xogta ku helnay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay saacadaha soo socda ka ambabixi doonaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa inta uu joogo Magaalada Dubai waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda Imaaraadka Carabta, isagoona kala hadli doona xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyo Arrimo kale.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018, xilligaasoo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyr safar ku tagay, iyadoo dhowr todobaad kaddibna uu xiriirka labada dal uu xumaaday.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horraantii bishan Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadaas, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018, tallaabadaas ayaa la tilmaamay irdaha u furtay inuu dib caadi ku soo laabto xiriirkii labada dal.

Booqashada Rooble ee Imaaraadka Carabta ayaa la aaminsan yahay inuu safarkiisa ku soo aadayo xilli ay Khaliijka, Geeska Afrika iyo Badda Cas ay ka abuurmayaan is xulufeysi cusub. iyadoo shalay uu Imaaraadka tagay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Cabdititaax Al-sisi.