Doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo

0
290

Guddiga birgelibta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku qabtay doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga Koowaad ee doorashadii Maanta oo ahaa HOP175 oo uu horay ugu fadhiyay Axmed Xaaji Maxamed Taaw ayaa Maanta waxaa ku tartamay Aadan Maxamed Ibraahim, iyo Cabdirishiid Nuur Jilley, waxaana kursiga ku guuleystay Cabdirishiid Nuur Jilley oo helay 70 cod halka musharrixii la tartamayay ee Aadan Maxamed Ibraahim uu 22 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.

Kursiga labaad ee HOP#159 oo uu ku fadhiyay Xasan Ibraahim Maxamed ayaa waxaa Maanta ku tartamay Maxamed Bare Maxamuud & Cabdullaahi Maxamed Isaaq, hayeeshee waxaa ku guuleystay Maxamed Bare Maxamuud oo helay 72 Cod, waxaana musharrixii la tartamay ee Cabdullaahi Maxamed Isaaq uu helay 23 Cod.

Kursiga Saddexaad ee HOP# 185 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Aadan Xuseen ayaa waxaa ku tartamay Maanta Maxamed Nuur Maxamed iyo Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed, waxaana ku guuleystay Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed oo helay 71 Cod halka musharrixii la tartamayay ee Maxamed Nuur Maxamed uu 24 Cod, waxaana halaabay lix Cod.

Kursiga Afaraad ee HOP#188 oo uu ku fadhiyay Aadan Ibraahim Dhayow ayaa waxaa Maanta ku tartamay Cabdisamed Aadan isaaq & Maxamed Cabdi Maxamed, hayeeshee waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdi Maxamed oo helay 73 Cod halka Cabdisamed Aadan isaaq oo la tartamay uu helay 23 Cod hal cod ayaana halaabay

Kursiga Shanaad ee ugu dambeeyay doorashada Maanta lagu qabtay Baydhabo ee ahaa HOP# 177 oo uu horay ugu fadhiyay Ibraahim Isaaq Yaroow balse laga reebay u tartamida kursigaas ayaa Maanta waxaa ku tartamay Maxamuud Abuukar Kheyre & Cabduqaadir Sheekh Cali Baraka, waxaana ku guuleystay Cabduqaadir Sheekh Cali Baraka oo helay 75 Cod halka musharrixii la tartamayay uu helay 16 cod, waxaana halaabay 6 cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda ah Maamulka doortay Xildhibaannada ugu badan ee Golaha Shacabka, waxaana xusid mudan in dhamaan kuraastii Maanta la doortay Xildhibaannadii horay ugu fadhiyay meesha laga saaray, isla markaana kuwa ku guuleystay ay yihiin Dhalinyaro qaarkood ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.