Amar deg deg ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland

0
246

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa amar dul dhigay ganacsatada Shidaalka keena magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Bartoolka Jubbaland Axmed Cabdirisaaq Maxamed (HANDAL) oo la ogeeysiiyay Maareeyaha Dekadda Kismaayo iyo Ganacsatada ayaa waxaa lagu sheegay si loo badbaadiyo caafimaadka bulshada iyo hantidooda, loogana hortago khatar ku timaada deegaanka laga bilaabo 01-02-2022 ay wasaaraddu joojisay shidaalka lagu keeno fuustooyinka, isla markaana Dareere-hoosaadka Shidaalka lagu keeni kara oo kaliya maraakiibta
shidaalka qaada.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in Shidaalka la keenayo Dowlad Gobaledka Jubbaland uu ahaadaa mid waafaqsan
heerka tayada loo qorsheeyay, isla markaana ciddii shidaal ku keenta fuustooyin ama keenta shidaal tayadiisu hooseyso ay mutaysan doonto ganaax iyo in ogolaanshiyaha ka ganacsiga shidaalka lagala noqdo.