Puntland oo Maanta qabaneysa Shir lagu dhex dhexaadinayo Beelo dagaalamay

0
380

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Shirweyne lagu dhex-dhexaadinayo laba maleeshiyo Beeleed oo dahaalamay in uu ka furmo degaanka Saax-meygaag oo ka tirsan Gobolka Sool, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo Beeleed.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdi uu hogaaminayey oo ku sugan deegaanka Saax-meygaag, ayaa dadaal ku bixinaya nabadeynta beelaha dagaalamay, iyaga oo shalay ku guuleystay in la sameeyo xabad joojin kadibna loo gudbo Shirka nabadeynta ee lagu dhex dhexaadinayo Beelaha dirirtu dhexmartay.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah ee Maanta furmaya, kaasi oo ay kawada qeybgeli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

Dagaalka degaanka Saax-meygaag ayaa ah mid soo laab laabtay, waxaana guuldareystay heshiisyo dhowr jeer la kala ehex-dhigay labada maleeshiyo Beeleed oo isku heystay dhul kuyaalla degaanka.