Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaal ka dhacay Galgaduud

0
371

Wararka naga soo gaaraya degaanka Kaxandhaale oo ku dhow degmadda Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac badan uu ka dhashay dagaal xooggan oo labo maleshiyo beeleed gelinkii dambe ee shalay ku dhexmaray halkaasi.

Dagaalkan oo ay ka qayb qaadanayeen Gaadiidka dagaalka oo ay kala wateen labada maleeshiyo beeleed ayaa sababay dhimashadda inta la xaqiijiyay 7 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 Ruux oo kale, waxaana dagaalku uu ka bilaawday isku dhac dhexmarray  xoollo dhaqato kasoo kala jeeda labadda maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.

Dhaawacyadda labada dhinac ayaa lakala gaarsiiyay Isbitaaladda ku yaala degmooyinka Caabudwaaq iyo Guriceel ee Gobolkan Galgaduud.

Dagaalka ayaa daba socday iska hor imaadyo shalay dhacay oo sababay dhimasho iyo dhaawac kuwaa oo u dhaxeeyay isla labadan maleeshiyo Beeleed ee maanta dagaalamay.

Dagaalka shalay dhacay ayaa iskiis u istaagay maqribkii, mana jirto cid kala dhexgashay labada dhinac ee dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa walaac badan ka qaba in dagaallo kale ay dhacaan xilli ay xoollo dhaqatata labada dhinac ay la daaladhacayaan Abaarro degaanka ka jira oo saameeyay dad iyo duunyo.