Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Iskaashiga dalalka Islaamka

0
307

Shirkii 18-aad ee Hay’adda madaxa banaan ee Xaquuqul Insaanka Waddamada Islaamka ayaa lagu qabtay Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga, waxaana ka qeyb galay wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xadgudubka xaquuqul Insaanka ee lagu haayo Shacabka Muslimiinta ah ee Reer Falastiin, Kashmiir iyo Azerbaijan, iyada oo shirkaas sigaar ah indhaha ugu jeediyay tallaabooyinka ka dhanka ah xaquuqda Aadanaha oo Ciidamada Israa’iil ku hayaan Shacabka falastiiniyiinta ah.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Ergooyinka joogtada ah ee wadamada Iskaashiga Islaamka, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay xoghayaha koowaad ee Ergada joogtada ee dalalka Iskaashiga Islaamka Maxamuud Cumar Jawle, waxaana shirka looga dhageystay warbixin ay soo jeedisay Hay’adda madaxa bannaan ee xaquuqul Insaanka wadamada Islaamka ee IOC.

Dhamaan Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa aragtiyo mideysan ka dhiibtay in taageero dhaqaale iyo mid Siyaasadeed la siiyo Shacabka falastiiniyiinta iyo sidii loola Shaqeyn lahaa Ergayga gaarka ah ee arrimaha xaquuqul Insaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay dhulka Reer Falastiin si wax looga qabto gardarada joogtada ah oo ay Israa’iiliyiinta kula kacaan Shacabka falastiiniyiinta ah.

Shirka ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dhibaatooyinka iyo xsdgudubyada loo geysto Muslimiinta tirada yar ee ku nool Kashmiir iyo Azerbaijan, iyaga oo balan qaaday inay sii wadi doonaan dadaalka looga hortagayo dhibaatada lagu haayo Muslimiinta.