Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kuna saabsan magacaabid taliye xigeennada qeybaha Booliska ee Gobollada Nugaal iyo Bari.
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntland
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal
2. Waxaa G/dhexe Khaalid Axmed Cabdiraxmaan loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Bari
3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.