Guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada SAFE mudane Keyse Mayoow Abul Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo bahda Waxbarashada ay ka geeriyootay Marxuumad khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo shalay ku geeriyootay Dalka Maraykanka.
Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiye Keyse Mayoow ayaa lagu xusay doorkii wanaagsanaa iyo wadashaqeyntii dhex martay bahda Waxbarashada gaar ahaan Iskuuladda hoos tagga Dalladda SAFE iyo marxuumadda xilligii ay ahayd Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlayo magaceyga iyo magaca guud ahaan Dallada SAFE waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, qaraabada, bahda Waxbarashada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Alle ha u naxariistee khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada, intii ay ahayd Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada waxa ay door wanaagsan ka soo qaadatay Horumarinta mustaqbalka iyo Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed, ka Dallad ahaana waxaa na dhex maray wada shaqeyn aad u wanaagsan.” ayuu yiri guddoomiye Keyse Mayoow.
Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, bahda Waxbarashada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.