Xog-Shaxda Villa Somalia u adeegsatay doorashada Aqalka sare ee Somaliland iyo Saraakiil la heshiisiiyay.

0
371

Xog-Shaxda Villa Somalia u adeegsatay doorashada Aqalka sare ee Somaliland iyo Saraakiil la heshiisiiyay.


Doorashadii shalay iyo maanta ka dhacday teendhada Afisyooni ee lagu dooryay xubnaha aqalka sare ee Somaliland ayaa banaanka soo dhigtay arimo aad u xasaasi ah oo quseeya NISA iyo guul raadinta Villa Somalia.

Ilo wareedyo xagga doorashada ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in guul daradii shalay Villa Somalia ka soo gaartay doorashadii dhacday ay keentay in xalay la sameeyo is bedello waa weyn, iyadoo laga bilaabay heshiisiinta saraakiil mudooyinkii danbe uu ka dhaxeeyay dagaal hoose, iyo xiriir lala sameeyay ergooyinka senatorada soo doortay shalay iyo maanta.

Xubno Fahad iyo Farmaajo ku xiran ayaa toos looga soo xigtay in xalay la heshiisiiyay Kulane Jiis iyo Cabdullahi Dheere oo labaduna kamid ah saraakiisha ugu awoodda badan nabad sugidda.

Sababta waxaa lagu sheegay in khilaafkoodu saameeyay hanaanka doorashada ee nabad iyo nolol, islamarkaana shalay ay ergooyinka qaar sababo amni la xirteen wajiyada,

Waxaa la rumeysan yahay in jab xooggan oo nabad iyo nolol shalay ka soo gaartay doorashada ay keentay in wax laga bedelo qorshihii u degsanaa.

Taliyaha dabagalka NISA,Cabdullahi Daahir, oo Cabdullahi Dheere ku caan ah ayaa la tilmaamay inuu toos ula xiriiray ergooyinka Somaliland ee Senatorada soo doortay, waxaana wararka intaas ku darayaan in uu u hanjabay, taasina ay keentay in dhammaan xubnaha maanta doorashada ku soo baxay ay yihiin kuwii ay dooneysay Villa-Somalia.

Maanta doorashada dhacday waxaa la arkayay in aysan ahayn sidii shalay oo ergooyinka ay wajiyada xirnaayeen, iyadoona dad badan su’aalo ka keeneen.

Arintantaan ayaa imaaneysa xilli madaxtooyada isku keentey labada sarkaal ee dagaalka kadhaxeeyey kulane jiis iyo Cabdullahi dheere.

Kulana jiis iyo Abdullahi Dhere ayaa mudo 3 sano ka badan is hayay khilaadkooda waxaad u malaysaa in la soo af jari dono walow Abdullahi Dheere uu keenay Shuruudo adag

Labadaan sarkaal ayaa la tilmaamaa in is qab qabsigoodu salka ku hayo arimo beeleed, iyadoo Abdullahi Deere uu qaraabo la yahay Axmed Madoobe, halka Cabdullahi Kulane uu ku heyb yahay madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Xubno kamid ah mucaaradka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay si dhaw ula socdaan, dhaq dhaqaaqa Cabdullahi Dheere iyo Kulane Jiis.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa sanadihii u danbeeyay waxaa ay doorashooyinka u xilsaaranayeen labadan sarkaal, inkasta oo doorashadan ay si weyn uga duwan tahay tii maamul goboleedyada.