Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & xiisad ka taagan

0
391

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal laba maleeshiyo Beeleed saacadihii la soo dhaafay ku dhex-maray degaanka Mira-cawleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo Aanooyin iyo Muran la xiriira Dhul-daaqsimeed, waxana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyooday ku dhawaad 10 Ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dadka degaanka Mira-cawleed ayaa waxaa ay sheegeen inay weli degaanka isku hor-fadhiyaan labadii maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, isla markaana la filan karo inay dagaalamaan.

Ma jirto wali cid kala dhexgashay ama ku baxday maleeshiyadka dagaalamay, waxaana sidoo kale ka hadlin laamaha amniga iyo Madaxda sare ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Degaannada Galmudug ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kajiray dagaal Beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac badan iyo kuwo u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab, iyada oo Galmudug dagaaladaas aysan wax qorsho ah u keenin.