Ciidamada dowladda oo howlgal gaar ah ku dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0
327

Ciiddamo gaar ah oo ka tirsan xoogga dalka ayaa xalay degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Cadale ee  Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay ka fuliyeen howlgal ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo la sheegay in lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa warbaahinta  Dowladda  u sheegay in howlgalka lagu dilay Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Suubiye oo katirsan saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, kaasi oo magaciisa afgarashadu ahaa (Toosoow).

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalka uu sigar ah uga dhacay aagga Masaajid Cali Gaduud isla markaana laga gaaray hadafkii laga lahaa, sidoo kalena Ciidamada ay howlgalllada sii wadi doonaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer sidaan oo kale howlgallo kala duwan uga fuliyay degaano ka tirsan Gobolada dalka, waxaana howlgalkan uu kusoo aadayaa xilli shalay dagaal ka dhacay duleedka Dhuusaareeb la sheegay in lagu dilay 15 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab.