Dabka ayaa waxaa uu xalay ka kacay Guri ku yaal Xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa, waxaana uu sababay dhimashada laba Carruur oo Walaalo ah, kuwaas oo Guriga ku sugnaa.
Taliyaha Ciidamada dam-demiska Soomaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa sheegay in dabka ay ku geeriyooday laba carruur ah, sidoo kalena Ciidamada dab-demiska ay dabka demin waayeen sababo la xiriira inay waayeen wadooyin ay u maraan.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Aaga guriga dabka uu ka kacay ay aheyd Goob cariiri ah, waxaana uu Shacabka ugu baaqay inay wadooyinka furaan hadii kale ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Magaalada Hargeysa iyo degaannada kale ee Somaliland ayaa waxaa dhowr jeer Goobo ganacsi iyo Guryo ku yaal ka kacay dab, kaas oo geysta khasaaro dhimasho ah iyo mid hantiyadeed.