Soomaalida kunool Jarmalka ayaa welwel ka muujisay in loo beegsado weerar uu fuliyay muwaadin Soomaaliyeed oo mindi ku dilay 3 ruux halka uu dhaawacay dad kale oo ugu dambeyn gacanta Booliiska galay.
Welwelka Soomaalida lasoo dersay ayaa ah mid gaar ah u ah maadaama weerarka dhimashada iyo dhaawaca sababay uu ka dambeeyay Muwaadin Soomaaliyeed sida uu sheegay Maxamed Baadil Axmed oo kamid ah Soomaalida degen Jarmalka.
“Weerarka Wiilka Soomaaliga ah uu geystay waa mid taagan, Warbaahinta gudaha ayaa ka hadleysa weerarkaas, cabsida ayaa nagu korortay waxaana suuragal ah in uu xoogeysto Ajaanib (soogalooti) naceybka” ayuu yiri Maxamed Baadil oo la hadlay VOA.
Maxamed waxa uu intaas ku daray in Xisbiyada mucaaraadka ololaha Doorashadooda in ay ka dhiganayaan dhibaatooyinka ay geystaan Ajaanibta oo tusaalihii ugu dambeeyay yahay weerarka uu geystay Wiilka Soomaaliga ah.
“Cabdiraxmaan waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo dalka waxa uu soo galay 2015-kii, Xisbiyada Mucaaradka waxa ay ololahooda u adeegsanayaan ajaanib naceybka iyaga oo soo bandhigaya waxyeelada ay geysteen” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Baadil Axmed.
Dhibaatooyinka dhanka Maskaxda ah waa sababta ugu badan ee loo badinayo kororka weerarada ay geysanayaan Ajaanibta maadaama shaqo la’aan, duruufo adag, Isticmaalka walxaha maanka dooriya & arrimo kale ay isu biirsadeen sida ay ku doodeen qaar kamid ah Soomaalida kunool qurbaha.