Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor iyo NISA ayaa waxaa ay howlgalla amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyeen degaano ku yaal duleedka Caasimadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Howlgalka oo ay hoggaaminayeen Taliya guutada 5aad ee Gorgor Maxamed Dhagaweyne Iyo Taliyaha Nisa Ee Dhuusamareeb Maxamed Cabdi Shidane ayaa saraakiishu waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid looga hortagayay weerarada iyo falalka amni darro o ay geystaan Al-Shabaab.
Saraakiisha ayaa waxaa ay la kulmeen Bulshada ku nool degaannada ay howlgalka ka sameeyeen ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo ka dalbaday inay Ciidamada Amniga kala Shaqeeyan.
Degaannada ay Galabta Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor iyo NISA howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa la sheegay inay mararka qaar taagan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo dhowr jeer iinooyin ay ku Aaseen ay ku waxyeeloobeen askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.