Munaasabadda 26-ka June oo lagu qabtay Muqdisho & meelo kamid ah Soomaaliya

0
370

Magaalada Muqdisho iyo inta badan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu qabtay munaasabado loogu dabaaldagayay 61-guuradii kasoo wareegtay markii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen Gumeystihii Ingiriiska oo ku beegneyd 26-kii june ee sanadkii 1960-kii.

Madaxweynaha mudo xileedkisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka June oo lagu qabtay Madaxtooyada  ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka Dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku ammaanay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed.

“Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed.”

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xejistaan gobannimadooda, wadajirkooda iyo sooyaalkooda, isaga oo walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.