Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku warramayaan in halkaas barqanimadii Maanta oo talaado ah uu ka dhacay fal dil ah oo loo geystay Darawal gaari oo caan ahaa.
Rag hubeysan ayaa Ninka Darawalka gaari ku dilay deegaan lagu magacaabo Bacda oo hoostega degmada Matabaan, isagoona u geeriyooday rasaas ka haleeshay qeybaha jirkiisa, waxaana halkaas ka baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas.
Dad yaqaanay Darawalka la dilay ayaa magacaabiisa ku sheegay Cabdi dhaga weel xaabeey oo ku magac dheeraa Cabdi Humbul, isla markaana waxaa uu kamid ahaa darawalada kaxeeya gaadiidka qaadka qaada ee ka shaqeeya Gobolka.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dilka loo geystay Ninka uu salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil horey uga dhacday Gobolka Hiiraan, waxaana goobta uu falku ka dhacay laga qaaday Meydka Cabdi.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa marar kala duwan ka dhacay dilal qorsheysan oo salka ku haayay aanooyin qabiil, waxaana maalmo kahor heshiis laga gaaray Colaad beelo ku dhexmartay duleedka Magaalada Baladweyne.