Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ayaa lagu qaaday weerar xoogan, kaasi oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarka oo ahaa mid dhabba-gal ku qaaday kolonyada Ciidamada AMISOM , xili ay socdaal ku marayeen wadada xiriirisa deegaannada Buufoow iyo Lambar60 ee Shabeellaha Hoose.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka lala beegsaday Ciidamada, in kastoo aan si rasmi ah loo cadeyn inta uu la egyahay, waxaana Ciidanka ay horey u soo wateen socdaalkooda.
Al-shabaab ayaa sheegtay in Meydad iyo dhawacyo Askar waxyeelo kasoo gaartay weerarka ka dhacay xiriirisa deegaannada Buufoow iyo Lambar60 goobta looga qaaday diyaarad nooca helicopter-ka oo halkaas ka degtay.
Si kastaba Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu yahay Gobol ay ka dhacaan qaraxyo iyo weeraro lala eegto Ciidamada AMISOM, waxaana inta badan weerarada ay Al-shabaabka la eegtaan Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ka dhasha khasaaro.