Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka taagan Xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan ka dib markii uu caawa dib ugu soo laabtay talihii ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo dowladda kasoo horjeedda.
Xildhibaannada ayaa kala ah C/raxmaan Odawaa, Mahad Salaad iyo Cabdi Saabir.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannadan ay degi doonaan deegaanka Shirkole oo uu caawa fiidkii dib ugu laabtay Jeneraalka.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada goobtaasi ayaa tagay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu duulaan ku yahay dadka uu xildhibaanka u yahay, islamarkaana ay ka difaaci doonaan.
Dowladda ayaa ciidan gaysay agagaarka Shiirkole kuwaasi oo ay Macquul tahay degaal uu dhex-maro iyaga iyo Ciidanka ku sugan Shiirkole.