Taliska Ciidamada Booliska Dagmada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta soo saaray Amaro dhinaca Amniga ee la xiriira Bisha Ramadaan kuna socda Shacabka.
Taliyaha Booliska Magalada JowharMaxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa faray Bulshada ku nool Magaalada Jowhar iyo Milkiilayaasha Maqaayadaha inay u diyaar garooban Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar waxaa uu sheegay in laamaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan qofkii iyada oo lagu guda jiro Bisha Ramadaan furta Goobaha laga cunteeyo sida maqaayadaha.
“ Waxaan halkaan uga digayaa dadka masoomayaasha ah iyo kuwa maqaayadaha fura, qofkii amarkaas fulin waayana tallaabo ayaan ka qaadeeynaa oo waa la ganaaxayaa ayuu yiri” Taliye Canjeex.
Ugu dambeyn waxaa uu amray dhamaan Ciidamada Booliska ee ka howlgalla Magalada Jowhar inay fuliyan Amarkaan, sidoo kalena ay ka feejignadaana Ururka Al-Shabaab oo mararka weeraro iyo dilal ka fuliya Magaalada Jowhar.